Hargaysa: SOLJA Oo Baaq U Diray Xukuumadda Somaliland

0
469

Hargaysa (Hargeisa Press): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xukuumadda Aomaliland ugu baaqay in la joojiyo xeerka ciqaabta guud ee loo adeegsado warbaahinta.
Baaqaasi ayaa qayb ka ah ol’ole ay wada jir u wadaan SOLJA iyo warbahinta Somaliland.
Iyagoo kaashanaya sharci yaqaanno iyo ururrada bulshadda rayidka ah, kaasoo muhiimadiisu tahay, maadaama oo ay soo kordhayaan xadhiga ay xukuumadu kula kacdo haayadaha warbaahinta iyo suxufiyiinta ka hawl gala Somaliland.
Waxaana sii kordhaya culaysyadda soo gaadhaya weriyeyaasha.
Iyadoo sanadkan oo keliya ay dhaceen dhawr iyo toban dacwadood oo isugu jira haayado warbaahineed oo la xidhay iyo weriyeyaal la dacweeyay ama la xidhay.


Sida uu sheegay guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo hadalkan ka jeedinayay kulan ay maanta weriyeyaal ugu qabteen magaaladda Hargaysa.
Baaqaasi ayaa ku jihaysan sidii haayadaha qaranku ay u joojin lahaayeen dacwadaha lagu gallo mihnadda saxaafadda ee ciqaabta laga dhigayo.
Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii haayadaha warbaahinta loogu soo bandhigi lahaa dacwad uu ururka SOLJA 23-kii bishii Augost ee sanadkan u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland.
Dacwadaasi oo daarranayd sidii meesa looga saari lahaa isticmaalka xeerka ciqaabta guud markay maxkamaduhu ka gar naqayaan kiisaska warbaahinta iyo weriyeyaashu ay galaan.


Waxaanay SOLJA ku dalbanaysay dacwadaasi in la joojiyo adeegsiga xeerka ciqaabta guud, isla markaana la isticmaallo xeerka saxaafadda Somaliland ee XL. 21/2004 iyo xeerka madaniga ah marka uu qofka suxufiga ahi denbi ku gallo mihnadiisa weriyenimo.
Sida uu kulankaasi ka sheegay agaasimaha ururka SOLJA Yaxye Xanas.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here