Hargaysa: Shirka Wadaagayaasha Maamul Daadejinta iyo Dimoqraadiyadda

0
544

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Cabdirashiid Xirsi Cali, ayaa maanta Hoolka Shirarka ee xarunta wasaaradaasi ka furay shirkii 3 bilood lahaa ee wadaagayaasha Maamul daadejinta iyo Dumuqraadiyada.
Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa hanaanka wadaagayaasha maamulka Daadejinta iyo Dumuqraadiyada oo ay saldhig u tahay dumuqraadiyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Iyada oo shirkan lagaga doodi doono maamul daadejinta, laguna qiimayn doono waxyaabihii ka soo baxay shirarkii kan ka horeeyey, kuwaasoo la qabto 3 biloodba mar la qabto.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Cabdirashiid Xirsi Cali oo furay shirkan ayaa ka waramay muhiimada uu kulani u leeyahay iyo in la dardar geliyo shirka 3 bilood laha ah ee Maamul daadejinta iyo Dumuqraadiyada.
Isagoo Agaasimaha Guud ku adkeeyey ka soo qayb galayaasha in ay shirkan ka soo baxaan qodobo qaranka waxtar u leh oo kor loogu qaadayo Maamulka Daadejinta Dumuqraadiyada.
Agaasimaha Waaxda Xuquuqul Insaanka iyo Gender ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Khaalid Ibraahim Omar ayaa isna faah-faahin ka bixiyey muhiimada uu kulani u leeyahay Hay’adda ku wada jira hirgelinta maamul Daadejinta.
Kuwaasoo ka kala socday Wasaaradda Arimaha Gudaha oo hogaamisa shirarkan, Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arimaha Dastuurka, Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Hay’adda Maamul Wanaagga, Hay’adda Barakacayaasha iyo Arimaha qaxootiga iyo qaar ka mid ah Hay’adda caalamiga ah.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here