Hagaysa (HP): Agaasimaha guud ee Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa maanta tababar u soo xidhay shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.
Tababarkaasi oo ku saabsanaa barashadda Dastuurka iyo Waddaniyadda ayaa muddo laba maalmood ah shaqaalaha wasaaradda warfaafinta uga socday isla xarunta wasaaradaasi.
Xidhitaanka tababarkaasi waxa kaloo joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaciil.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.