Hargaysa oo lagaga dhawaaqay ‘Madasha Musharaxiiinta Daneeyayaasha Doorashooyinka Muddaysan 2026’

0
249

WARSAXAAFADEED:Shaacinta Madasha Musharaxiinta Daneeyayaasha Doorashooyinka Muddaysan 2026.

Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 09, February 2025, waxa Magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland lagaga dhawaaqay ‘Madasha Musharaxiiinta Daneeyayaasha Doorashooyinka Muddaysan 2026’.

Madashan ayaa ujeeddadeeda guud tahay in ay ka hawlgasho sidii ay doorashooyinka muddaysan 2026 ay wakhtigeeda ugu dhici lahaayeen, isla markaana loo abuuri lahaa jewi diyaargarow oo ay doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo. Dhinaca kale, madashu waa madal u furan dhammaan daneenayaasha doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka dalka oo dhan, waana mid ay ka qaybgeli karaan cid kasta oo danaynaysaa.

Sida qorshuhu yahay, waxa ay madashu xidhiidh dhaw la yeelan doontaa, lana kulmi doontaa daneeyayaasha doorashooyinka oo ay ugu horreeyaan xukuumada oo uu hormood u yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xisbiyada Qaranka, Komishanka Doorashooyinka, Ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, Garsoorka iyo Saxaafadda.

Waxay madashu ballan qaadaysaa in ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xisbiyadda Qaranka ay kala shaqayn doonto hirgelinta doorasho wakhtigeedii ku dhacda, si loo hirgeliyo ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa in aanay doorashooyinka dalku dib u dhici doonin.

Madashu waxay ku dhiriigelinaysaa, isla markaana soo dhawaynaysaa in haweenku ay ka mid noqdaan musharaxiinta ku soo biiraya madashan.

Madashan waxa saldhig u noqod doonta Xarunta Dimuqraadiyyadda iyo Maamulwanaagga ee CDG, fadhigeeduna yahay Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here