Hargaysa (Hargeisa Press.com): Dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa bilawday dhismaha Hangarkii saddexaad oo laga dhisayo Sariibadda suuqa Gobanimo oo ah suuqa labaad ee ugu weyn ganacsiga.
Waxaana maanta soo kormeeray sida ay hawsha dhismaha Hangarkaasi u socoto maayarka Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Sidoo kale waxaa kormeerkaasi maayarka ku wehelinayay qaar ka mid xildhibaanadda golaha degaanka Hargaysa iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Hargaysa.
Dhismaha hangarkan cusub ayuu maayarku sheegay in ay keentay baahi ka timid dadka khudradleyda ah ee ku ganacsadda suuqa Gobanimo, kadib markii ay labadii Hangar ee hore ka buuxsameen.
Waxaanu maayarku ka codsaday dadka ku ganacsadda goobta la doonayo in laga dhiso Hangarka cusub in ay muddo saddex maalmood ah kaga guuraan, si loo bilaabo dhismaha Hangarkaasi.
Halkan Hoose Ka Daawo Maayarka Oo Kormeerkaasi Faahfaahin Ka Bixinayay:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.