Hargaysa: Ciidamadda Booliska Oo Xidhay Weriyeyaal Ka Tirsan Eryal TV

0
754

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Ciidamadda booliska magaaladda Hargaysa ayaa maanta gelinkii hore xidhay saddex weriye oo ka hawl gala telefishanka madax banaan ee Eryal oo xaruntiisu tahay magaaladda Hargaysa.

Ilaa hadda si cad looma oga sababta keentay xadhiga weriyeyaashan kuwaasoo la sheegay in ciidamadda boolisku ay xidheen iyagoo shaqadoodda ku guddo jiray.

Afartan weriye ee la xidhay ayay magacyadoodu kala yihiin Bedri Koosaar, C/raxmaan Fantastic, Caydaruus Maxamed, iyo sawir qaade ka tirsan hawl wadeenadda Eryal TV.

Balse waxa keliya oo ilaaimika la hubo ayaa ah in weriyeyaashaasi ay ku xidhan yihiin saldhiga dhexe ee booliska Hargaysa.

Sidoo kale masuuliyiinta telefishan Eryal aanay sharaxaad ka bixinin magacyadda weriyeyaashaasi oo dhamaystiran iyo hawlaha ay telefishanka qaban jireen.

Geesta kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinca xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha xadhiga weriyeyaashan. Iyadoo aanay wax war ah ka soo saarin hay’adaha xukuumadda u qaabilsan arrimaha saxaafadda.

Dhinaca kale ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaan weli ka hadal xadhiga weriyeyaashan ka tirsanaa telefishanka Eryal iyo faahfaahin la xidhiidha waxa keenay xadhigoodda.

Hase yeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda sidii ay awalba samayn jireen in ay canbaareeyaan xadhiga lagula kacay weriyeyaashan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here