Hargaysa: Barawaani Oo Loo Magacaabay Safiirka Somaliland U Fadhiya Kenya

0
451

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa safiirka cusub ee dawladda Somaliland u fadhiyi doona magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya u magacaabay Maxamed Axmed Maxamud (Barawaani).

Sida lagu sheegay wareegto uu shalay soo saaray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taasoo lagu shaaciyay in danjire Maxamed Axmed Maxamud (Barawaani), laga bilaabo taariikhdii shalay uu ahaado safiirka Somaliland ee Kenya.

Magacaabista danjire Maxamed Axmed Maxamud (Barawaani), ayaa imanaysa kadib markii safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Kenya Baashe Cawil, uu dhawr bilood ka hor madaxweyne Biixi u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Hase yeeshee Baashe Cawil, ayaa diiday xilkaasi wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, iyadoona mudadaa wixii ka danbeeyay ay banaanayd jagadda safiirka Somaliland u fadhiya Nairobi.

Geesta kale danjire Maxamed Axmed Maxamud (Barawaani), oo ka mid ah dhalinyaradda aqoon yahanka ah ee reer Somaliland ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay la taliye ka ahaa wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale Maxamed Axmed Maxamud (Barawaani), ayaa muddo aad u dheer ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland.

Waxaanu ka mid ahaa aasaaseyaashii daladda ururadda aan dawliga ahayn ee Somaliland ee SONSAF, isagoona muddo ahaa agaasimaha fulinta ee daladda SONSAF.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here