Hambalyo Xogahayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa ee loo magacaabay Axmed Maxamed Cabdillaahi (Axmed Darajo).
Axmed Darajo oo aanu isku fac iyo saaxiibo dhaw aanu ahayn muddo dheer waxaanu isku fasal noqonay sanaddii 1993 kii oo imtixaan aanu u wada fadhiisanay Madaaris AL-FURQAAN (Faarax Omaar) kuna wada guulaysanay labadayaduba.
Axmed waa shakhsi dabeecad wanaagsan, bulshaawi ah, aqoon, karti iyo dadnimana leh oo nadiif ah dhalinyaradana u noqan kara tusaale wanaagsan oo ku biiray masuuliyiinta dalka.
Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE labadaba waxa ay u tahay sharaf in dhalinyarada wanaagsan loo magacaabo masuuliyad qaran si looga faa’ideeyo aqoontooda iyo tamartooda.
Waxaan Hambalyo iyo Duco isku lamaanna u dirayaa saaxiibkay Axmed Maxamed Cabdillaahi (Axmed-Darajo) waxaanan leeyahay ilaahay ha kuu fududeeyo hana kugu asturo xilka qaran ee laguu igmaday.