Boorama, (HargeisaPress) —Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee xisbiga mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed ayaa galabta Boqolaal dad ah kala qayb galay ciyaartii ugu danbaysay ee koobka bisha Ramadaan ee ka socday Garoonka Khayriyada Boorama, Koobkan oo ay ku maamuuseen Xisbiga WADDANI.
Koobkan oo soo socday Mudo 29 Cisho ayna ka qayb qaadanayeen in ka badan 24 kooxood oo Kooxaha Serie A-B ayaa ku soo dhamaaday Jawi aad u degen waxaana ciyaartii Finalka ee Koob danboodka iskaga hor yimid kooxaha ku kala ciyaarayay Haaruun Dheere Store Iyo C/laahi Caanoole Shop, waxa ayna labadan kooxood soo bandhigeen ciyaar wanaag ay akhlaaq badani ku dheehantahay waxaana ay ciyaartaasi ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Magaca Haaruun Dheere Store.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Ee Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed ayaa dhamaadkii Ciyaarta halkaas Hadal Mahadnaq ah ka soo jeediyay waxa uuna gudoonsiiyay kooxdii ku ciyaaraysay Magaca Haaruun Dheere Store oo ahaa kooxdii ku guulaystay koobkan qaaliga ah ee Uu Xisbiga WADDANI Dhigay, waxa uuna dhalinyaradii kale ee laga badiyayna uga mahadceliyay ciyaarwanaagii ay soo bandhigeen waxaana uu sheegay in kubaddu ay tahay bar cad iyo bar madow, badiyaana ay tahay Bahdeen.
Gudoomiye Axmed Mu’min Seed ayaa ugu danbayn dhalinyarada ku booriyay inay sii joogteeyaan ciyaarahan oo kale si looga badbaado aafada Balwada iyo tahriibka waxa kale oo uu u mahadnaqay guddidii dhalinyarada ahayd ee koobkan sannadwalba soo agaasinta.
Si kastaba ha ahaatee Koobkan uu gudoomiye Seed galabta gudoonsiiyay kooxdiii ku guulaystay ciyaarihii ka socday Garoonkan khayriyada oo mudo 25 Sanno ah la soo dhigayay ayaa noqonaya kii ugu qaalisanaa, uguna casrisanaa ee laga dhigo garoonkan taas oo uu xisbiga WADDANI Nasiibka u yeeshay inuu u dhigo dhalinyaro iskood isku abaabushay oo talaabadan wanaagsan horey u qaaday, waxaase dad badan nasiib daro ku tilmaameen in goobtan ay maanta munaasabadu ka dhacaysay ay gabi ahaan ka maqnaadaan mas’uuliyiintii heer Gobol, Heer Degmo iyo Bahdii Sportska wasaarada Ciyaaraha Somaliland Ee Gobolka Awdal, kuwaas oo loo arkay kuwo shaqadoodii iyo lexejecladii dhalinyarada ay u qabeen Meel Iskaga Tuuray.
C/rashiid C/laahi Cumar
Boorama-Somaliland