-Maxaa qalinku sheekiyo.
-Qubanaha dharaartiyo.
-Hadba qodob la yaab liyo.
-Ma hadhooyin qorayaa. (Hadraawi)
Xaaladda haatan ee Xisbiga UCID, kolka si dhab ah loo eego, waa mid qalafsan. Dhab ahaan waa xaalad aad u qalafsan, aad na u liidata. Xisbigu waadhka xaaladaha halista ah, (Intensive care unit), ka ayaa uu yaalaa. Xaaladda noocaas ahi dabcan ma iska imanin. Asbaabteeda iyo ayaankeda ayaa ay leedahay. Qormadan iyo kuwa ka dambeeya ba, waxa aan ku eegayaa saddex su’aalood – (1), Xaaladda dhabta ah ee xisbigu haatan waa sidee? (2), Sida xaalka xisbigu haatan yahay yaa sabab u ah? Iyo (3), Xisbiga UCID xaaladdan ma ka bixi doonaa? Xasuusnow, xisbigu manta waa garabyo kala duwan, anigu na, dhex-dhexaad ma ahi. Dhinaca xisbigu u badanyahay, in ay qumanyihiin na aan u arko ayaa aan la jiraa. Wax badan baa aan ka shaqaynay in aanay dhinacyo jirin, laakiin waa ay shaqayn wayday. Sababta ay u shaqayn wayday, iyo sababta uu xisbigu halka uu manta yaalo u gaadhay, ayaa aan ka waramayaa. Haa, waan ka waramayaa, wax na dhafi maayo, maxaa yeelay, hadalku ba macno ma samaynaayo inta qaybi dhimantahay.
- Waanwaanta kama maarantee, nabaddii yaa wiiqay?
- Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday?
- Waabeeyo shil baa jiree, wadhidan yaa gaystay?
- Wadiiqihii sharciga yaa duway, oo luuq widhwidh ah rooray?
- Waraabaha qarsoon yaa noqday oon, ruux wajiga moodnay? (Is Waydiin, Dhoodaan, 1973)
U kaalay su’aasha hore – Xalka xisbigu haatan waa sidee? Waxa suurowda in ay iskaba yartahay cid xaalka xisbigu ka qarsoontahay. Dhawaan Hargeysa ayaa aan joogay, dadku na sheeko kale oo aan siyaasadda ahayn ba badiyaa ma hayaan. Xisbiga UCID waxa uu yahay, marka run loo hadlo, mid aan cidiba soo qaadin. Saababo kala duwan ayaa warkiisa loo dhigay, laakiin waxa laga midaysanyahay in aan la soo qaadin. Faalada iyo falanqaynta ba ma ku jiro, hadii uu soo galo na, si ciyaar-ciyaar iyo kaftan ah uun baa loo soo qaadaa. Sheekada iigu yaabka badnayd, oo aan is leeyahay malaha si dhab ah baa ay xaalka xisbiga u sawiraysaa, waxa ay iiga timid Cisbitaalka Hargeysa, gaar ahaan dhinaca xanuunada maskaxda. Wa sheeko dhab ah, waxaana iiga sheekeeyay Cismaan, oo ah nin halkaas ka hawl gala.
Saaxiibkay waxa uu u shaqeeyaa hay’ad cisbitaalka ka madax banaan, lakiin la shaqaysa. Qaybtaas xanuunada maskaxda ama dhimirka, qofba sida uu u yaqaanno, ayaa aan booqda, xaalka dadka lagu hayo ayanan la socdaa ayaa uu igu yidhi. Kuwooda yar ladan, ama kula hadlaaya waa aan la sheekaysta, shaqadayda ayaana ah baa uu igu yidhi. Ruux dumar ah, oo da’da dhexe ah, ayaa aan xaalkeeda waydiiyay, sheeko ayaana na dhex martay. Waxa ay igu tidhi – anigu waa aan fiicanahay, xisbi na waa aan sameeyay. Xisbigaas waxa lagu magacaabaa Hana-qaad, anigu na Gudoomiye ayaa aan u ahay. Waxa aan waydiiyay, ayaa uu Cismaan igu yidhi, rajada ay ka qabto in uu xisbigu guuulaysto inta ay leegtahay, jawaabteedu na ma daahin. Waxa ay tidhi – xisbigu waa guulaysanayaa, waanan hubaa. Waa kala tagnay, ka dib na dhawr maalmood ka dib ayaa aan sidii caadiga ahayd ku soo noqday, xisbigii ayaanan ka warsaday ayaa uu igu yidhi. Waxa ay u muuqatay in ay yar niyad jabsanayd, waxa ayna igu tiddhi – xisbigii anigu musharax ma ka ahi haatan, waana uu iska jiraa uun. Haa xisbigu waa uu iska jiraa uun, sida xisbigan Faysal oo kale.! Ayaa ay inantii tidhi.
Qof maan fayow leh, iyo mid wax ka dhimanyihiin ba isku si baa ay u ogyihin xaaladda dhabta ah ee UCID. Hadalka inantu falo dheeraan lahayd baa uu soo koobayaa. Xisbigu waa uu iska jiraa uun. Dhab ahaan, waa halka inantee, xisbigu waa uu iska jiraa uun! Sidaas, iyo sababtaas daarteed, ayaa warkiisa loo dhigay. Doc kasta oo aad ka eegtid, astaamo isku mid ah baa kaaga muuqanaaya. Saddex usbuuuc ka hor ayaa aan xafiiska xisbiga, hadda waa xarunta, aan booqday. Saddex qof oo shaqaalaha maamulka ah ayaa aan ugu tagay. Ma aha in maalintaas uun uu cidla ahaa, ee waa sida caadiga u ah. Mararka qaar baa hal qof loogu yimaadaa. Xisbigu afar sanno shirkii Golaha dhexe ma qabsanin, gudiga fulintu shir ay isugu yimaadaan hadalkiisa dhaaf, taageerayashii xisbigu na jeebkoodii iyo maskaxdoodii ba waa ay ka xidheen. Intaas waxa dheer, Gudoomiyaha Xisbigu, Mr Faysal Cali, iskii baa uu u taganyahay, goonidiisa ayaa uuna UCID buuro ah u yahay. Waxa uu kku fikiro, ku hadlo, amaba ku kaco, UCID baa ku fikirtay, hadashay, ama ku kacday. Sida ay isaga la tahay, UCID waa isaga, isagu na, waa UCID.
Geesta kale, Gudoomiye Xigaha, (Cali-guray), Gudoomiyaha Golaha Dhexe, (Xassan-sabca), iyo xubnaha fulinta qaarkood na, goonidooda ayaa ay UCID kale u yihiin. Muddo dheer ba sidaas baa ay kala ahaayeen, labadii bishan April na, waaba la sii kala durkay, maxaa yeelay Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in uuba xilalkii ka qaaday. Waxa kuu soo hadhay Jamaal Cali, oo ah musharaxa rasmiga ah ee xisbiga, waana dawlad gooni ah. Isagu dooddiisa goonida ah ayaa uu qaba, heer maxkamadeed na waa uu tiigsanayaa. Booska isagu uu haysto, ee dharaarta cad lagula heshiiyay, ayaa hadda hadal ka joogaa. Waaba halka ay mishkiladdu fadhido. Su’aashu waxa ay tahay, sababta ay waxan oo dhami u dhacayaan maxaa ay tahay, yaa se ka faaiidaaya? Yaa xisbiga iyo taageerayaashiisii asalka ahaa, iyo kuwii cusbaa ba dhabarka ka jabiyay? Hebel ama hebel oo keliya jawaabtu ma aha, ee sidee dhab ahaan nabarku u dhacay, ilaa halkee baa uu se gaadhsiisanyahay? Waa qaybta labaad ee qormadani halka ay aadi doonto.
- Waanwaanta kama maarantee, nabaddii yaa wiiqay?
- Waaya-arag hadduu talin lahaa, yaa wax fudud mooday?
- Waabeeyo shil baa jiree, wadhidan yaa gaystay?
- Wadiiqihii sharciga yaa duway, oo luuq widhwidh ah rooray?
- Waraabaha qarsoon yaa noqday oon, ruux wajiga moodnay? (Is waydiin, Dhoodaan, 1973)
Qalinka: Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com