Walcott & Oxlade-Chamberlain oo Loo Sheegay in Aannu Euro 2016-ka Boos uga Banaanayn

0
1141

HargeisaPress —Theo Walcott iyo Alex Oxlade-Chamberlain, ayaa loo sheegay in aannu boos uga banaanayn laacibiinta England uga qaybgeli doona koobka Yurub, maadaama uu tababaraha xulku helay laacibiin ka firfircoon.

 

Wargeyska Daily Mirror, ayaa qoray in Roy Hodgson u xaqiijiyay Theo Walcott iyo Alex Oxlade-Chamberlain in aanay qorshaha ugu jirin, maadaama aanay Arsenal ka haysan boos ay joogto uga ciyaaraan.

 

Booska labadan laacib, ayuu tababaruhu u qoondeeyay inay kala buuxiyaan Harry Kane iyo Danny Welbeck, taasoo ku soo beegan tahay xilli waqti kooban ka dhimantay waqti xulka England lagu dhawaaqi lahaa.

……………………………………………………………………………..

Guus Hiddink oo ka Dayriyay Mustaqbalka Ciyaareed ee Hazard iyo Tallada uu Siiyay

Guus Hiddink

Tababare Guus Hiddink, ayaa sheegay in aannu weli arag ciyaartoy isku dhiman sida Edin Hazard, isla markaana xaqiijiyay in laacibkan u baahan yahay koox kale si uu xirfadiisa dib ugu soo nooleeyo.

Guus Hiddink waxa uu xaqiijiyay in 25 jirkan xilli-ciyaareedkii hore ku guulaystay laacibka ugu fiican, balse hadda ku jiro marxaladii ugu xumayd xirfadiisa, isagoo intaa ku daray in mooraalkiisu hooseeyo.

Waxa kaloo macallinkan sheegay in ciyaartoyga dhibaatadan oo kale la kulma arrinta keliya ee u banaan tahay inuu kooxda bedesho si uu xirfadiisa u nooleeyo, balse aannu garayn in Hazard ka tegi doon Chelsea.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY