Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Dhigiisa Somaliland + DAAWO SAWIRADDA

0
857

Nairobi, KENYA (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo Safar shaqo ku jooga Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Gudoomiyayaasha Maxakada Saree e Kenya iyo Somaliland 3

Sida lagu daabaycay Websites Rasmiga ah Dawawlada Keyna wali ka Garsoorka oo la yidhaah ” http://www.judiciary.go.ke/” , Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga waxa uu Hadiyay u siiyay Dastuurka dalka Kenya  Gudoomiyaha Maxkamada Sare Jamhuuriyada Somaliland Markii uu soo booqday.

Gudoomiyayaasha Maxakada Saree e Kenya iyo Somaliland 5

Prof. Adam ayaa  Gudoomiyaha Maxkada  Sare ee Kenya si weyn ugala sheekaystay iskaashi dhexmara iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

 

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa intii uu joogay Kenya  ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci  ku dhisan  iyo   maamulka  ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa.

Gudoomiyayaasha Maxakada Saree e Kenya iyo Somaliland 2

Shirka Labaad waxa uu ku saabsanaa Sharciyada deegaanka waxaana ka soo qayb galay Garsoorayaal, Gudoomiyayaal Maxkamadaha African, Xeer Ilaaliyaal iyo dhamaan dadka deegaan ka shaqeeya oo ka  kala yimi dhamaan Qaaarada Africa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here