Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyeeyay Geerida Ganacsade Ibraahin Dheere

0
1676

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Wuxu Tacsi U Dirayaa ganacsatada. wax-garadka, madax -dhaqameedyada, Eheladii Qaraabadii iyo Qoysaskii uu ka baxay Marxuum Ganacsade Ibraahin Cabdi Kaahin ( Ibraahin Dheere) oo kamid ahaa gacansadata waa weyn ee reer Somaliland, kaas oo laga yaqaanay guud ahaaba geyiga somalidu degto iyo geeska afrika, oo maanta ku geeriyooday magaalada Jabuuti 12,11,2015

 

Guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa tacsi taasi lamid ah oo tiiraanyo leh u diraya xukuumadda & Shacab weynaha reer Jabuuti, isagoo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi marxuum Gacansade Ibraahim Cabdi Kaahin ( Ibraahim Dheere) oo maanta ku geeriyooday magaalo madaxda jamhuuriyada Jabuuti, ee Jabuuti.

 

 

Md Cbadiraxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa ku sifeeyey marxuumka nin door muuqda ka soo qaatay horumarka Qaranka somaliland, isla markaana qayb libaaxle ka soo qaaday nabadayntii beelaha Jamhuuriyada somailand,waxaanu xusay inuu ahaa adoon ehelu khayr ah oo cibaado badan, kana qayb-qaatay sadaqaadka jaariga ah ee kala duwan.

 

Gudoomiyuhu wuxu Eebe uga baryayaa Marxuum ibraahim Cabdi Kaahin inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, ganacsatada wax-garadka iyo bahda madax-dhaqameedka, Eheladii Qoysaskii , Qaraabadii, & reer somaliland iyo weliba shacabka reer Jabuuti. ee uu ka baxay marxuumku uu samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin

Illaahay Ha U Naxariisto Marxuumka.

Mujaahid: Boobe Yusuf Ducaale 

Xoghayaha War-faafinta Xisbiga WADDANI

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here