GABILEY, (HargeisaPress) —Iyadoo ay jiraan aabaro baahsan oo haleeleay guud ahaan degmooyinka iyo tuuloyinka hoos yimaada ee gobalka gabiley.isla markaana madaxwaynahu qaranku magacaabay gudiyo heer qaran ah oo kazoo kala jeeda gobalada dalka isla qaylo dhaan udirey shacabka reer somliland gudo iyo dibadba meelna logasooo wada jeesto waxqabadka abaaraha.loona gurmado dadka aabarta la tabaalaysan.
Hadaba gudiga aabaraha gobalka gabiley oo ka kooban 11 xubnood ayaa duqa magaalada maxamed aamin cumar cabdi ku wareejiyey gudoomiyaha gudiga abaaraha ahna imaamka gabiley eng xasan jaamac. Lacag dhan 7548$.todaba kun shan boqol iyo sided iyo afartan dollar.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka
https://youtu.be/kmwe8xwf5BY
Lacagtan oo ay sooo direen walaalaha gabiley ee qurbajoogta ah.kuna kala nool wadamada Europe iyo America kadib markii ay media ka arkeen walaloohoda abaartu saamaysay ay wajigii kowaad kusoo hagajiyeen Maayirka magaladda Gabiley Maxamed Aamin Cumar.
Sidoo kale maayarku wuxuu cod dheer oo mahadi ku jirto gaadhsiiyey walaalaha gabiley ee inay gacmaha is qabsadaan meel kasta oo ay joogan oo ay dadkoooda abaaruhu haleelen usoo gurmadaan.kana qayb qaatan wixii masiibooyin deebiciya ah ee ka midka yihiin aabaruhu.isla markaana waxay kusoo darsadaan abaaraha si toos ah looo gaadhsiin doona.cidii taabalaysan ballan qaaday taasi.
Sidoo kale waxa isna ka Hadley ducooyin badan oo alle bari ka jeediyay madasha kala wareejin deeqaha.gudoomiye gudiga abaaraha ahna imaamka masjid eng.xasan jaamac.hadaladiisuna ubadnayeen wacdi diiniye iyo gargaarka qof tabaalaysan loo fidiyo loogu dhawaanay elle swt,
Sidoo kale gudoomiyaha gudiga abaarah sheikh xasan jaamac.inuu si too ah ugaadhsain doona lacagtan uu ku wareejiyey maayarku cidii aabaraha la taabalaysan.sheekhu islamarkaan wuxuu uduceeyey walaalaha gabiley ee aad isku xilqaantey iney kuwa kale ee qurbaha joogana ku daydaan sida walalani ay ka damqadeen .
Badhasaabka xigeenka gabiley ayaa isaguna madashan ka Hadley baaq dheer udirey ganacsatada iyo qurbajoogta.
Iyadoo lagu kala daranyahay waxyeelada abaarta saamaysay.kolka qiimayn lagu sameeyo.ay yartahay in tooos ah wax looga qabtey.
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com