Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE kala qaybgalay isu soo baxa ololaha ee fagaaraha khayriyada ee magaalada Hargeysa.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa taageerayaasha xisbiga ee isugu soo baxay fagaaraha khayriyada u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Waxaanu taageerayaasha xisbiga KULMIYE uu faray inay iska ilaaliyaan inay wax aflagaado ah ku yidhaahdaan xisbiyada kale ee ay tartanka kula jiraan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE yahay xisbi yaqaana sida guusha loo dhaliyo.