Minnesota (HP): Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Cali Xaamuud Jibriil, ayaa booqday xarunta Baarlamaanka gobolka Minnesota, ee dalka Mareykanka.
Cali Xaamud Jibriil, ayaa muddooyinkii u danbeeyay booqasho ku marayay dalalka Mareykanka, iyo Canada.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland waxa uu sheegay in uu booqasho ku tagey aqalka Senate-ka iyo aqalka wakiillada.
Waxaanu xusay in ay soo dhaweeyeen Mr. Jenemi oo ka mida shir guddoonka aqalka golaha wakiillada ee Minnesota iyo guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee aqalkaasi.
Cali Xaamud, waxa kaloo uu sheegay in ay ka wada hadleen wada shaqaynta labada gole, waxaanu intaas ku daray in uu uga waramay Dimuquraadiyada Somaliland ka jirta ee lagu majeerto iyo geedigii dheera ee ay soo martay.
Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay sameyn doonaan xidhiidho joogta ah oo ay ku kala warqaadanayaan.
Isagoo na intaas raaciyay in uu sawirguud ka siiyay halkii laga soo bilaabay golaha wakiillada Somaliland iyo halka uu maanta taagan yahay guulaha uu gaadhay.
Waxyaabaha u qabsoomay, shir-guddoonada sida Dimuquraadiga ah xilalka ula kala wareegay iyo hiigsigiisa mustaqbalka, waxaanu tilmaamay in ay siweyn ula dhaceen.
Waxa uu guddoomiye Cali Xaamuud Jibriil Jaaliyada reer Somaliland ee Minnesota uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen kulanka uu la qaatay Baarlamaanka gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Guddoomiye Cali Xaamud, waxa uu sheegay in ay tahay guul u soo hoyday Qaranka Somaliland.