Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE oo tabobar u furay muraaqibiinta xisbiga

0
919

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta waxaa uu tabobar u furay muraaqibiinta xisbiga ku metali doona goobaha cdbixinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda ee qabsoomi doonta 13ka bisha November 2024.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa ku wehelinayay furitaanka tabobarka muraaqibiinta, xubnaha guddida heer qaran ee muraaqibiinta xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xubno kale, ayaa soo kormeeray goobaha ay ka socdaan tabobarkani.

Waxaana ay masuuliyiintu halkaasi kala hadleen muraaqibiinta tabobarka loo furay, iyagoona u jeediyay hadalo isugu jira dhiiri gelin iyo dardaaran iyo weliba waajibaadka saaran maalinta codbixinta doorashada.

Guddoomiye ku xigeenka muraaqibiinta xisbiga Kulmiye ahna, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Siciid Habane, oo ugu horayn madasha hadal ka jeediyay, ayaa ka waramay muhiimadda loo soo xulay muraaqibiinta xisbiga Kulmiye.

Ugu dambayntii, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay muraaqibiinta xisbiga Kulmiye ku metali doona goobaha cdbixinta doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here