Guddoomiye Ku-xigeenka G. Wakiiladda JSL Oo Socdaal Ku Jooga Kenya

0
332

Nairobi (HP): Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilladda JSL Siciid Mirre Faarax ( Giirre), oo safar shaqo ku joiga dalka Kenya ayaa booqday safaaradda Somaliland Nairobi ku taalla.

Booqashadan uu guddoomiye Giire, ku tegay safaaradda ay Somaliland ku leedahay magaaladda Nairobi, ayaa la xidhiidhay si ay u kala warqaataan madaxda Safaarada iyo gudoomiyuhu.

Waxaana xarunta safaarada ku soo dhaweeyey guddoomiyaha Safiirka safaarada JSL ee Nairobi, Dr. Maxamed Axmed (Barawani), safiir ku-xgeenka safaarada Sharmaake Geele iyo madaxda kale ee safaarada.

Waxaanay safiirka iyo masuuliyiinta kals uga xog- warameen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda JSL hawlaha ay muwaadiniinta reer Somaliland u qabtaan, iyo shaqada safaarada ka socota.

Guddoomiye Giire, ayaa ku dhiiri geliyey safiirka iyo madaxda safaaradda inay kor u sii qaadaan shaqada iyo addeega ay u hayaan Qaranka iyo muwaadiniinta Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here