Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis cusub oo tuulada Halleeya ee duleedka magaalada Hargeysa uu ka furtay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.
Waxaana xadhig ka jarista xafiiskan cusub goob joog ka ahaa xubno ka tirsan hoggaanka iyo siyaasiyiinta ugu sarsareysa xisbiga WADDANI, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Ugaas Qows iyo weliba sida oo kale taageerayaal iyo dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi oo aad u tira badan.
Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ka dib soo dhaweyntii halkaas ka hadlay, ayaa dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta xafiiskaas ba waxa uu uga mahadceliyey sida diiran ee ay ugu soo dhaweeyeen Tuulada Halleeya oo ay ka muuqatay dareen isbedel iyo yididiilo horleh oo ay ka naawilayaan xisbiga WADDANI, bilo ka dib, waxaana uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xadhiga ka jaro xafiiskan cusub ee laga furay tuulada Halleeya, isaga oo tilmaamay in shacabka ku dhaqan deegaankani ay ka mid yihiin hal muceedka xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay dhaxli doonaan isbedel khayr qabba maadaama oo ay hore ugu hungoobeen xisbiga Kulmiye oo aan weli la mahadin raadadka uu shacabka kaga tegaayo.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Ugaas Qows iyo weliba sida oo kale xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda tilmaamay muhiimadda uu lahaa xafiiskan cusub ee xadhiga laga jaray, waxaana ay ugu baaaqeen shacabka deegaankaas in ay si weyn uga qeyb-qaataan isbedelka tolmoon ee uu u soo wado xisbiga WADDANI.
Qaar ka mid ah dadweynahii Tuulada Halleeya iyo mas’uuliyiinta xafiiskaas oo iyaguna dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey yididiilo horleh oo ay u qabbaan isbedelka tolmoon ee uu horseedka ka yahay xisbiga horumarka, cadaaladda iyo sinnaanshiyaha ee WADDANI, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in gebi ahaantood ay diyaar u yihiin siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dabeyshaa isbedel ee socoto, iyaga oo dhanka kalena hoosta ka xariiqey in ay hore ugu hungoobeen sida oo kalena uu dayacay xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa