Minnesota , (HargeisaPress) —Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo oo mudooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka maraykan ,ayaa gaadhay magaalada minsoota,halkaasi oo ay weftigu kala kulmeen soo dhaweyn aad u ballaadhan,taas oo ay ku qaabileen shacabka reer somaliland ee ku dhaqan Minnesoota .
Bulshada reer somaliland ee ku dhan Minnesoota qaar kamid ah oo madashaasi ka haddlay ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin bookhashada guddoomiye cirro iyo weftigiisa waxaanay xuseen inuu guddoomiye cirro yahay masuul isku wadi kara bulshada somaliland oo dhan,iyagoo intaasi ku daray in hiil iyo hooba la garab tagan yihiin guddoomiye cirro iyo xisbiga uu hoggaamiyo ee WADDANI.
Geesta kalena Guddoomiye c/raxmaan Cirro oo halkaas ka haddlaya ayaa ugu horeyn uga mahad-qanay bulshada reer somaliland ee ku dhaqan Minnesoota sida ballaadha ee ay u soo dhaweyeen weftiga”Reer Minnesoota waxaan uga mahad naqayaa sida ballaadhan ee ay noo soo dhaweeyeen,intii aanu jooganay marakaynka waxaanu la kulanay xubno kala duwana oo ka tirsan dowlada maraykanka waxaanu kala haddalnay arimo badan ,kuwaas oo ay kamid ahayd arimaha xawaaladaha lacagaha iyo cabashada bulshada reer somaliland ee ku dhaqan maraykanku ka qanaan, waxaanu u sheegnay in ay somaliland nabad tahay, isla markaana loo fududeeyo bulshada eheladooda lacagaha in ay si dhib yar ugu xawilayaan,walaalayaal waxaan idiinku boorinayaa in aad isku duubnaataan oo aad ilaalisaan wada jirka bulshada reer Somaliland.
qoladiinan qurbaha waxaan idiinku baaqayaa in aad ka qayb-qadataan dalka horumarkiisa oo aydaan ka qayb-qaadan hagardaamadiisa,maalgashi ku sameeya dalkiina oo ka qayb-qaata horumarkiisa,walaalayaa ka dheeraad qabyaalada iyo qolo qoloda oo isku dubanaada,Somaliland guul, Somaliland guul waad mahadsantihiin.