Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo soo dhaweeyey taageerayaal kasoo baxay xisbiga Waddani

0
1315

Burco (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu magaalada Burco ku soo dhaweeyay xubno iyo taageerayaal ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Munaasibada lagu soo dhawaynayay xubnaha iyo taageerayaasha ka baxay Waddani, ayaa ka qayb galay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, xubno ka mid ah xukuumadda, masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay xukuumadda, madaxda golaha deegaanka Burco iyo madaxdii hore ee golahaasi, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

Taageerayaasha ka soo digo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee garabka dhalinyarada xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer iyo xubno kale oo ka mid ahaa hoggaanka xisbiga Waddani.

Xubnahan oo madasha soo dhaweeynta hadal ka jeediyay, ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay ka baxeen xisbiga Waddani, isla-markaana ay ku soo biireen xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Waxaanay xubnahani balanqaadeen inay cuduudooda taageero ay ku biirinayaan, isla-markaana ay la garab taagan yihiin xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo madasha hadal ka jeediyay, ayaa boggaadiyay xubnahan ka soo baxay xisbiga Waddani ee ku soo biiray Xisbiga KULMIYE, isagoona faray hadalo isugu jira dhiiri gelin iyo dardaaran.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here