Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka oo Ka Warbixiyay Tirada U Fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga

0
778

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax, ayaa waxaa uu ka warbixiyay tirada guud ee ardayda ee sannadkan u fadhiisatay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo fasallada siddeedaad ee dugsiyada Hoose dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan Somaliland.

Guddoomiye Daa’uud, ayaa waxaa uu sheegay inay sannadkan ay Imtixaanka shahaadiga ah ay u fadhiisanayaan 25,000 (Shan iyo labaatan kun) oo dugsiyada dhexe ah iyo 16,000  (Lix iyo toban kun) oo arday oo  dugsiga sare ah.

Sidoo kale, waxaa uu Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku uu sheegay Ardayda u fadhiisatay Imtixaanka ay ku jiraan 3, 243 arday oo ah ardaydii Gobolka Sool oo ay gobolkooda xaaladi ka jirto.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay sannadkan imtixaanaadka u fadhiisteen ardayda baahiyaha araga qaba, islamarkaana imtixaanaadka maanta looga fadhiistay 300 oo goobood oo dalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here