Guddoomiyaha KULMIYE oo shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Cismaan Cige Cigaal oo Burco ku geeriyooday

0
945

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cige Cigaal oo ku geeriyooday magaalada Burco xalay oo taariikhdu tahay ahayd 27/12/2016.

Marxuum Cismaan Cige Cigaal waxa uu ka mid ahaa odayaashii iyo indheergaradkii gobolka Togdheer , halgamayaashii nabada ee Somailand, wuxuu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee Gobolka Togdheer, Isagoo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Marxuum Cismaan Cige Cigaal.
.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, bahda waxbarashada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here