Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Iyo Weftigii Uu Hogaaminaayey Ee Dalka Ingiriiska Hawlaha Shaqo Ugu Maqnaa Oo Dalka Ku Soo Laabtay + SAWIRRO

0
1154

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle Iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ee hawlaha shaqo dalka Ingiriiska u joogay mudooyinkii u dambeeyey ayaa magaaladda Hargeysa dib ugu soo laabtay si balaadhana loogu soo dhaweeyey, waxaana md Sharmarke Geelle uu ka warbixiyye hawlihii shaqo ee uu UK u tegay oo uu tilmaamay inay guul ugu soo dhamaadeen safarkiisii.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ay Madaarka Hargeysa ee Caalamiga ah maanta soo dhawayntiisa kaga hortageen Saraakiisha sare ee Hay’adda shaqaalaha iyo  Xubno  aqoonyahana, ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey dalka ka dib mudo uu hawlo shaqo ugu maqna Safar uu Dalka Ingiriiska isaga iyo weftig uu horkacaayey halka ku tageen, waxaana Sharmarke Geelle uu sharaxay hawlihii shaqo ee uu UK ku tagay iyo inay si guula ugu soo dhamaadeen isla markaana maadama uu dalka ku soo laabtay uu dardargelin doono Xidhiidh togan oo Hay’addihii iyo Xarumihii Jaamacaddaha ee dalka Ingiriiska kulamada  kala duwan iyo Isxog waranka ay wada shaqaynta mustaqbalka ku faaqideen uu ka shaqayn doono sidii loo bilaabilahaa wada shaqayntii loo balansanaa.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha JSL  md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ka mahadceliyey soo dhawayta madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee hay’adda uu ka madaxda yahay Madaarka Hargeysa ugu sameeyeen waxa uu qoraalkiisa ku yidhi.

Alle ayey Mahad oo dhan u sugnaatay igu soo nabad ceshay dalkaygii hooyo kadib kulamo aan la soo yeelanay 8-xarumo Waxbarasho oo ku yaala boqortooyada Ingriiska.

-Waxa aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa cid walba oo gacan iyo fududayn ku lahayd kulmadii aan yeelanay intii aan ku sugnayn UK sida oo kale waxa aanan soo koobi karin mahada aan u hayo walaalaha iyo asxaabta ku nool UK sidii milgaha badnayn ee ay noo soo dhaweeyeen

– Ugu dambayn, waxa aan si kalgacal le uga mahadcelinayaa asxaabta aan shaqo-wadaaga nahay ee saaka nagu qaabilay gegada diyaaradaha ee Cigaal Int Airport.

-Idan Alle Waxa aan dardar gelin doonnaa xidhiidhadii soo unkamay si degdeg loogu gaadho yoolka tayeynta Shaqaalaha Dawladda JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here