Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo Tababar U Furay Agaasime Waaxeedyada Hay’adda

0
865

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa maanta tababar u furay Agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee hay’adda shaqaalaha.

Furitaanka kulankan, ayaa waxaa Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha ku wehelinayay Agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dowladda.

Tababarkan oo ay hay’addu la kaashanaysay La-taliyeyaal xeeldheer, ayaa ujeedadiisu ahayad sidii loo kobcin lahaa xirfadaha hogaamineed ee agaasimeyaashan iyo sidii garaadkooda iyo aqoontooda kor loogu qaadayo.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa dardaaran xoogan u jeediyay agaasimeyaasha, isagoo kula dardaarmay inay weeleeyaan xirfada iyo aqoonta ay halkan ka qataan, si ay hadhaw ugu dabaqaan hawsha adeeg-bixinta ay bulshada u qabanayaan.

Hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa wada dadaal ballaadhan oo ku saabsan dib u habaynta iyo kor u qaadidda tayada shaqaalaha dowladda iyo adeegyada dawladda, iyadoona hay’addu joogtaysay tababarada noocan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here