Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista-tayada oo furay xafiisyada xisbiga Kulmiye ee degmada Haro-sheekh

0
850

Daadmadheedh (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada qaranka Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa waxaa uu maanta gaadhay deegaanka Haro-sheekh oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland, ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehelinayay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Daadmadheedh iyo xubno ka mid ah guddida ololaha ee gobolka.

Waxana guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada iyo weftigiisa halkaasi si ballaadhan ugu soo dhaweeyay dadweynaha ku dhaqan deegaanka Haro-sheekh.

Intaasi kadib, Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayada qaranka Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa xidhigga ka jaray xafiisyo cusub oo Xisbiga Kulmiye ka furtay Degmada Haro-sheekh oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa ka dadka deegaanka Haro-sheekh u jeediyay khudbad isugu jirta mahadnaq, dardaaran iyo dhiiri gelin, isagoona kula dardaarmay inay codkooda la garab istaagaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga Kulmiye.

Waxaanu guddoomiyuhu si qoto dheer uga waramay waxqabadkii kala duwanaa ee ay xukuumadda Madaxweyne Biixi ka hirgelisay deegaanka Haro-sheekh iyo deegaanada hoos yimaada.

Dadka deegaanka Haro-sheekh, ayaa iyaguna waxaa ay balanqaadeen in ay taageero la garab taagan yihiin Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiga Kulmiye, waxanay sheegeen inay codkooda siinayaan Madaxweynaha iyo xisbigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here