Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta xafiiska Guddoomiyaha ku qaabilay madaxda sare ee Hay’adda Max Planck Foundation.
Kulanka, ayaa diiradda lagu saaray wada-shaqaynta u dhexaysa Hay’adda Max Planck Foundation iyo Golaha Wakiillada, gaar ahaan mashruuca taageerada Xeer-dejinta iyo horumarinta nidaamka Baarlamaanka, kaas oo hadda maraya marxaladdihii u danbeeyay.
Madaxda hay’addu waxay si guud u warbixiyeen waxqabadkii la qabtay, halka shirguddoonka Golahu uu ku bogaadiyay kaalinta iyo doorkii ay hay’addu ku lahayd xoojinta iyo tayaynta Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa xusay in mashruucani uu door weyn ka qaatay tayeynta hawlaha Xeer-dejinta, kor u qaadista xirfadaha xubnaha Golaha, iyo habaynta nidaamyada shaqo. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay sidii iskaashigaashigani uu u noqon lahaa mid sii socda.