Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka

0
879

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa waxaa uu caawa iska xaadiriyey furimaha dagaalka, gaar ahaan Deegaanka Dhuur-madare oo galabta dagaal ku dhexmaray Ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyadda Huwanta.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, ayaa markii uu gaadhay furimaha dagaalka ee deegaanka Dhuur-madare waxaa uu kulan la qaatay saraakiisha dagaalka hoggaaminaysay.

Waxaana uu Guddoomiyuhu Ciidamada qaranka dalka ku ammaanay sida ay dhirbaaxada ugu dhufteen Maleeshiyadda nabad diidka ee soo weerartay Ciidamada qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, ayaa waxaa uu ciidmadda ku amray inay daryeelaan maxaabiista lagu qabtay dagaalka.

Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay guulo waa weyn ka gaadheen Daagaalkii maanta deegaanka Dhuur-madare ku dhexmaray maleeshiyaadkii Huwanta.

Dagaalka, ayaa sidoo kale waxaa ku jabay oo khasaare xoogani ka soo gaadhay maleeshiyaadkii Huwanta ee isa soo uruursaday ee dagaalka soo qaaday, iyadoona laga qabtay gaadiid, ciidan iyo maxaabiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here