Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Wakiiladda JSL Oo Xilka La Wareegay

0
379

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiilada JSL Yaasiin Xaaji Maxamuud (Xiir), ayaa maanta si rasmiya ula wareegay xilka hogaaminta golahaasi.

Waxaanu balan qaaday guddoomiye Faratoon, in wixii hada ka danbeeya uu golaha ku hogaamin doono odaynimo, iyo hayiin-nimo.

Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo dhawaan loo doortay xilka guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa u mahad celiyay dhamaan ba xildhibaanadii taageeray, iyo kuwii ka soo hor jeeday ba markii lagu jiray loolanka xilka guddoomiyenimadda.

Munaasibadii xil wareejinta waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirrada, siyaasiyiin, iyo masuuliyiin kale.


Geesta kale guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda JSL waxa uu sheegay in khilaafyadii hore golaha uga dhici jiray in imika la gaadhay wakhtigii laga gudbi lahaa.

Maadaama oo muddo laba sanadood ah ay ka soo wareegtay wakhtigii la doortay xildhibaanadda golaha Wakiiladda, sidaas darteedna hadda la gaadhay wakhtigii hayiin-nimadda.

DAAWO: Hadalka Guddoomiye Faratoon:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here