Guddoomiyaha CSC Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Masuul Laga Eryay Garoonka Diyaaradaha Hargaysa

0
499

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa ka hadlay sababta shaqadda looga joojiyay madaxii dhinaca amniga ee garoonka diyaaradaha Hargaysa Guuleed Maxamed Ismaaciil.

Masuulkaasi oo la sheegay in uu shaqadda ka joojiyay maareeye ku-xigeenka madaarka diyaaradaha Hargaysa. Kaasoo maalmahan si weyn hadal hayntiisu uga dhex socotay baraha bulshadda ee Internet-ka.

Kadib markii madaxa amnigu uu bartiisa Facebook ku baahiyay qoraal uu ku taageerayay wasiirkii madaxtooyadda ee xukuumaddii Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi.

Farxaan Aadan Haybe, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladu waxa uu sheegay in aanay wasaarradaha iyo hay’adaha dawladu awood u lahayn in ay qofka shaqaalaha ah shaqadda ka eryaan.

Balse ay ka hakin karaan am aka joojin karaan, hase yeeshee ay hay’adda shaqaalaha dawladu leedahay awoodda ugu danbaysa ee ah in qof shaqaale rasmi ah shaqadda laga saaro.

Marka ay cadayso in uu qofkaasi jebiyay ama ku xad-gudbay xeerka shaqaalaha dawladda Somaliland u yaalla.

Farxaan Aadan Haybe, waxa kaloo uu sheegay in madaxii amniga ee garoonka diyaaradaha Hargaysa kadib markii shaqadda laga joojiyay uu ku kacay af-lagaadooyin iyo canbaarayn xad-gudub ah.

Halkan Ka Daawo Guddoomiyaha Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here