Guddiga Waxbarashada Heer Qaran oo Kulankoodii 9-aad Yeeshay

0
725

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga waxbarasha heer qaran ee Somaliland, ayaa yeeshay kulankoodii 9aad, kaas oo ay kaga wada tashadeen arrimo ku saabsan waaxbarashada qaranka.

Kulanka oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Prof. Saleeban Axmed Guleed, ayaa waxaa ka soo qayb galay badiba xubnaha guddiga Waxbarashada.

Kulankan oo todobaadkan lagaga hadlay Ajendayaal badan, ayaa waxaa ugu mudnaa lafo gur ku aadan tayaynta Macaliinta Dugsiyada, Kormeerka iyo Tayada Manhajka dugsiyada hoose dhexe.

Intii uu kulanku socday, waxaa xubnaha Guddigu waxbarashada Qaranka warbixin kooban siiyey agaasime waaxeedyada waaxyaha tayo-dhawrka, manaahijta iyo guddoomiyaha Kuliyada tababarka Macalimiinta ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, oo sheegay in hadda ay meel fiican marayso tayayntii waxbarashadu.

Ugu danbayn Guddiga, ayaa isla qaatay in muhiimada ay leedahay in la tayeeyo waxbarashada iyada oo mudnaanta koowaad la siiyo sidii loo tayayn lahaa waxbarashada aasaasiga ee dalka.

Waxaa aanay tilmaameen in tayaynta waxbarshada dalku ay u baahan tahay in gacmaha laysu qabsado sidii looga wada shaqayn lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here