Garoowe, (HargeisaPress) —Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka kooban 9-xubnood oo shalay Cod Aqlibiyad ah ku Ansixiyeen Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa Maanta Dhiiriyay Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Eng Camey.
Madasha lagu dhaarinayay Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubin ka socodey Maxkamadda sare.
Guddoomiyaha golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi oo hadal ka jeediyey Madasha Daarinta ayaa ku booriyay Gudiga Doorashooyinka Cusub inay Shaqadooda u gutaan Waajibaadkooda.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa Gudiga Doorashooyinka ku amaanay Aqoonta ay u leeyihiin shaqadda la Magacaabey.
Ugu Dambayn,Madaxweyne ku-Xigeenka Puntland ayaa Shacabka Puntland ugu Baaqay inay la shaqeeyan Gudiga Doorashooyinka Puntland.
Mohamed Cabdi
HargeisaPress News Desk — Hargeysa