Guddidii Uu Madaxweynuhu U Saaray Qaadhaan Ururinta Abaaraha Oo Maanta Qaadhaan Lacageed Ka Gudoomay Shirkadaha Ganacsiga

0
1138

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shir jaraaid oo ay maanta  Gudida loo saaray Isku dabaridka  Qaadhaan Ururinta Abaaraha iyo Qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadka tabaalaysan  ku qabteen  Xafiiska Rugta Ganacsiga ee Caasimada Hargeysa ayey ujeedadiisu ahayd in ay deeq loo hibeeyey abaaraha ka gudoomaan qaar kamida Shirkadaha Ganacsiga ,xubno kamida  Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland iyo qurbojoog dalka ku sugan.

 

Tiro kamid Guddida  oo isugu jirtay Ganacsato iyo Culimo waa weyn oo dalka si weyn looga yaqaamo ay dadka hantiilayaasha ah iyo kuwa ladan ugu baaqeen inaanay maanta waxba ka hagran dadkeena tabaalaysan ee ay hayso abaarta ba’an ee saamaysay dad iyo duunyaba, waxaanay  shacabka Somaliland usoo jeediyeen in maanta loo baahan yahay  in la kaalmeeyo dadkaasi si loo badbaadiyo  nafahooda iyo xoolahoodaba.

IMG_0034

Waxaa hadaba maanta bushaaro ahayd in Gudiga ay qaadhaan kii ugu horeeyey ka gudoontay  Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom qadar lacageed oo dhan  $ 50.000  sidoo kale kalena  waxay ka gudoomeen qaadhaan lacageed oo dhan  $50.000 ka Shirkada Dahabshiil  iyo $30.000 oo ay bixiyeen shaqaalaheedu.

 

Sidoo kale  Shirkada Somcable ayaa iyaduna  bixisay  lacag dhan $80.000 halka ay Shirkadaha  Al-Xarbi-na ka gudoomeen $20,000  iyo  shirkada Aleel oo hibaysay $20,000

isku gaynta qaadhaanka saaka oo kaliya shirkaduhu bixiyeen ayaa noqonaya  $250.000 “laba boqol iyo afartan kun oo  doolarka Maraykanka ah.

 

gudida ayaa sheegay ka dib dhawaaqii uu Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland ku sheegay in loo gurmado dadka ay waxyeelada soo gaadhsiiyeen abaaraha baahsan ee guud ahaan dalka  ka jira  ay baaqaasi kasoo jawaabeen Ganacsatadaasi sidoo kalena waxay  gudidu halkaasi uga mahad naqday  Xildhibaan Indho Indho oo isagu maalintii ugu horaysayba  gudida gaadhsiiyey Jeeg dhan Lacag $2.000 iyo sidoo kalena Xildhibaan Aadan Xaaji Dirir oo isaguna gaadhsiiyey gudida 10,000,000 SL Somaliland Shiling ah   isla sidoo kalena waxaa goobtaasi laga xusay  dhalinyaro qurba jooga oo iyaguna ku yaboohay qaadhaan lacageed oo dhan $600.

IMG_0040 (1)

Gudidan ayaa xusay in iyaga oo  ka jawaabaya magacowgii Madaxweynaha JSL uu  ugu igmaday hawsha qaadhaan ururinta  isla markaana  gudanaya waajibaadkooda ka saaran u dedaalida dadka  iyo duunyada tabaalaysan iyo   gurmadka dadka abuuruhu wax yeeleeyeen  in ay heegan ugu jiraan sidii ay dadkaasi wax u gaadhsiin lahayeen islamarkaana loo baahan  yahay in qofkasta oo somalilander ah uu halkiisa ku hawl galo.

 

Gudigu waxay  dadka ugu baaqeen in yar iyo weyba  kaalmadooda kusoo diraan  Adeegyada  Zaadka , E-Dahab, Dahabshiil, Salaama Bank  kuwaas oo dhamaantoodba u furan xisaabaadka qaadhaan uruurinta ee lagu kaalmaynaayo dadka abuuruhu saameeyeen.  Dhanka kale gudida waxay halkaasi ug mahad celiyeen cidkasta oo qeyb qaadatay gurmadkaasi iyagoo ugu duceeyey in ilaahay wax ka kheyr qaba ugu bedelo  dhankoodana waxay hoosta ka xariiqeen inay imika ka hawl geli doonaan sidii ay uugu hawl gali lahaayeen qaadhaankaasi  lacageed ee soo gaadhay.

 

 

 

 

Lanbarada Lagu Soo Diraaayo Lacaga Qofkastaaba Siduu Awoodo.

Zaad: 4720222

E-Dahab: 52222

Dahabshil Bank  : 20500

Salaam Bank : 60186075.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here