Guddida Doorashooyinka Somaliland oo soo saaray Jadwalka hawl-qabashada Doorashooyinka

0
2411

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta soo saaray maalmaha mucayinka ah ee qorsh-haweedka doorashada ee 2024-ka, kaasi oo ay ku soo bandhigeen jaantuus ay ku taariikhaysan yihiin dhammaan hawlaha la qabanayo wakhtiyada soo socda ee ku aadan doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta Siyaasadda.

Komishanka doorashooyinka, ayaa qorshe-hawleedkan la wadaagay dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka iyo bulshada Somaliland oo u dhag taagaysay inay ogaadaan halka ay wax marayaan iyo wax uu yahay qorshada Komishanku.

Qorshahan, ayaa waxa ku cad hawl-qabadka maalinlaha ah ee doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta Siyaasadda, waxaana si cad loogu sheegay xiliga ay liisanka gudbinayaan liistada Xisbiyadda iyo Ururrada Siyaasadda.

Sidoo kale, waxa lagu sheegay wakhiga la bilaabayo ololaha doorashooyinka iyo wakhtiga lagu dhawaaqayo natiijada hordhaca ah ilaa wakhtiga loo gudbinayo natiijadaasi Maxkamadda sare.

Qorshe-hawleedka maalmaha mucayinka ah ee doorashada 2024-ka ee ay Komishanka Doorashooyinku soo saareen, ayaa waxa u dhignaa sida tan:-

12 August soo gudbinta liistada xisbiyadda iyo Urrurada siyaasadda

12 September soo gudbinta murashaxiinta Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha

24 October soo gudbinta Muraaqibiinta Xisbiyadda iyo Urrurada siyaasadda

Xx October bilawga ololaha doorashada

10 November dhammaadka ololaha

13 November maalinta codbixinta

20 November soo-saarista natiijadda ku meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyadda siyaasadda

21 November u gudbinta Maxkamadda sare natiijada ku meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyadda Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here