Guddida Doorashooyinka Somaliland oo shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay musharaxiinta saddexda xisbi qaran

0
1511

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha ee seddex Xisbi Qaran uga qaybgalaya doorashada Madaxtooyada guddoonsiiyey Shahaadada Musharaxnimo.

Munaasibadan lagu guddoonsiinayay seddexda xisbi qaran, shahaadada musharaxnimo, ayaa ka dhacday xarunta guud ee Guddida Doorashooyinka qaranka ee magaalada Hargeysa.

Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha ee seddex Xisbi Qaran ee maanta la guddoonsiiyay shahaadada musharax-nimo, ayaa ka qayb galaya doorashada Madaxtooyada ee la qorsheeyay inay dalka Somaliland ka qabsoomaan 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Lixda musharrax ee saddexda xisbi qaran uga qayb galaya Doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa kala ah:-

Musharrixiinta Xisbiga KULMIYE:

1- Muuse Biixi Cabdi, Musharraxa Madaxweyne.

2- Maxamuud Xasan Sacad, Musharraxa Madaxweyne kuxigeenka.

Musharrixiinta Xisbiga UCID:

1-Faysal Cali Xuseen, Musharraxa Madaxweyne.

2- Cabdirashiid Ducaale Diiriye, Musharraxa Madaxweyne kuxigeenka.

Musharrixiinta xisbiga WADDANI:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Musharraxa Madaxweyne.

2- Maxamed Cali Aw Cabdi, Musharraxa Madaxweyne kuxigeenka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here