Guddida Doorashooyinka Somaliland oo shaaciyey Jadwalka Ololaha Doorashada

0
1558

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah u shaaciyeen Jadwalka Ololaha Doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada qaranka ee dalka Somaliland.

Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaacinta jadwalka ololaha doorashada ku baahiyay bogga ay ku leeyihiin barta internet-ka.

Somaliland, ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacdo doorashada isa saaran ee Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda, taasi oo la qorsheeyay in ay dalka ka qabsoonto 13ka bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Saddexda musharrax ee xisbiyada qaranka Somaliland ee ka qayb galaya Doorashada Madaxtooyada, ayaa kala ah, Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxan Xisbiga KULMIYE, Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan Xisbiga UCID iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo isna ka sharaxan Xisbiga WADDANI.

Hoos ka akhriso jadwalka ololaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here