Guddida Doorashooyinka Somaliland oo la kulmay Wakiillada Sweden iyo UK

0
1362

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxay maanta kulamo gaargaar ah la yeesheen weftiyo ka socday dalalka Sweden iyo UK.

Guddida doorashooyinka, ayaa ugu horayn waxay xafiiskooda ku qaabileen wefti uu hoggaaminayo Safiirka Sweden Mr. Joachim Waern.

Xubnaha guddida, ayaa waxay ugu warbixiyeen weftiga safiirka Sweden arrimaha doorashooyinka oo maraya heer gebogebo.

Dhanka kale, guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa waxay la kulmeen saraakiil ka socda Xafiiska UK ee Somaliland.

Waxaana ay Guddida iyo Saraakiisha Xafiiska UK ay ka wadahadleen arrimaha korjoogteynta doorashada ee kormeerayaasha caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here