Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Midowga Yurub oo ka wadahadley arrimaha doorashada

0
1804

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiil ka socda Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda UNDP.

Kulankan dhexmaray Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Saraakiisha ka socda Midowga Yurub iyo Hay’adda UNDP, ayaa ka dhacay xarunta guud ee guddida doorashooyinka ee magaalada Hargeysa.

Kulanka, ayaa waxaa ay labada dhinac iskaga xog-wareysteen hawlaha diyaargarowga doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada qaranka Somaliland.

Waxa kale ay ka wadahadleen qorshaha tababarka Ciidanka ee dhanka sharciga iyo xeerarka doorashada, si kor loogu qaado aqoonta ciidmada ka qaybqaadan doona suggida amniga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here