Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Madaxda NMID oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka

0
1944

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxa ay maanta kulan la qaateen Madaxda Hay’adda caalamiga ah ee NMID (Netherland Multiparty Institute for Democracy).

Kulanka guddida doorashooyinka iyo Madaxda hay’adda NMID, ayaa ka qabsoomay xarunta guud ee guddida komishanka doorashooyinka ee magaalada Hargeysa.

Labada dhinac, ayaa kulan kooda waxay ku wada lafa-gureen habsami u socodka qorshaha doorashooyinka isku-sidankan ee la qorsheeyay inay Somaliland ka dhacaan 13-ka November 2024-ka.

Kulankan, ayaa ka mid ahaa kulamadii shaqo ee joogtada ahaa ee ka dhaxeeyay komishanka doorashooyinka iyo hay’adda NMID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here