Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Ganacsatada dalka oo kulmay

0
1127

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta kulun la qaateen xubno ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee dalka Somaliland, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga.

Kulankan, ayaa dhexmaray Guddida Doorashooyinka iyo xubnaha ganacsatada dalka, ayaa ka dhacay xarunta guud ee doorashooyinka ee magaalada Hargeysa.

Kulanka, ayaa waxaa ay labada dhinac kaga wadahadleen arrimo ku aadan doorashooyinka isku sidkan ee dalka ku soo foolka leh ee la qorsheeyay inay dalka ka qabsoomaan 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd duco iyo dardaaran ku saabsan arrimaha doorashada.

Waxaa maalintii sideedaad galay ololaha doorashooyinka foodda innagu soo haya ee Somaliland, kuwaas oo ay ugu muhiimsantahay tan madaxtinimada.

Somaliland, ayaa 13 bisha November ee sannadkan looga dareeri doonaa doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo ururrada siyaasadda, iyadoo ay doorashadani tahay tii igu loolanka adkayd abid ee Somaliland ka dhacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here