Hargeisa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kala diray gaadiidka iyo shaqaalaha ka hawlgeli doona diwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmooyinka hoosyimaada gobolladda Awdal iyo Salel.
Guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka Somaliland Mustafe Maxamed Daahir, oo goobjoog ka ahaa kala dirida gaadiidka iyo shaqaalaha ayaa hawl-wadeenada kula dardaarmay in mudada ay hawshu socoto ay dadka ugu shaqeeyaan si hufan, isaga oo sheegay dadkii hore isudiiwaan geliyay ee aan qaadan Kaadhka codbinta iyo dadkii qaatay ee uu ka lumay ay mar la qaadan doonaan dadka imika la diwaangelinayo.
Madaxa tababarada guddida doorashooyinka qaranka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha ka hawlgelidoona diwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolladda Awdal iyo Salel qaar kood hore loo tababbaray halka qaybtii u danbeysay oo ah xoghayeyaashii goobaha uu tababbarku uga socdo Jaamacadda Camuud.
Cabdinaasir Daahir Cige, iyo Pro, Diiriye oo ka mida masuuliyiinta Jaamacadda Camuud iyo Cabdifataax Ibraahin Xasan, oo ka socday guddida doorashooyinka ayaa la dardaarmay hawlwadeenada uu tababbarku u socday, iyaga oo u tilmaamay caqabada ka hor iman doona ee u baahan in ay ka diyaar garoobaan.