Guddida Doorashooyinka oo ganaax dul dhigay Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani

0
2204

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay ganaax lacageed dul dhigeen xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa xisbiyada Kulmiye iyo Waddani waxaa ay ku ganaaxeen lacag dhan 10 milyan oo shillinka Somaliland ah midkiiba.

Ganaaxan, ayaa waxaa ay Guddidu ku sababeeyeen kadib ollole ay sameeyeen ka hor bilowga ololaha doorashooyinka ee dalka ku soo foolka leh.

Guddida anshaxa ee Guddida Doorashooyinka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in xisbiyadani ay ku xadgudbeen xeerka anshaxa kadib ololeyaal hordhac ah oo ay ka sameeyeen gobolada qaarkood, sida ay Guddidu sheegeen.

Dhinaca kale, guddida ayaa waxa ay mamnuucday in gaadiidka dowladda loo isticmaalo ollolaha doorashooyinka.

Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa sidoo kale xisbiyada iyo ururrada ka mamnuucay ololaha iyo isu soo baxyada ka horreeya maalmaha loo cayimay.

Somaliland, ayaa waxaa la filayaa inay ka bilaabmaan oloha doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo axsaabta qaranka, kuwaasi oo si rasmi ah u bilaabmi doona 19 bishan aynu ku jirno ee October.

Ololaha doorashooyinka ee xisbiyada iyo ururrada siyaasadda, ayaa waxaa la soo gabagabayn doonaa 10 bisha November, oo ah 2 cisho ka hor maalinta codaynta doorashada.

Ururada siyaasadda Somaliland ee cusub oo ah 7 urur, ayaa midkiiba 2 cisho la siiyay inay ololeeyaan, halka saddexda xisbi ee hore u jiray midkiiba la siiyay inay ololeeyaan muddo 3 cisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here