Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa tababar u soo xidhay hawl wadeenada doorashooyinka loo tababaray ee gobolada Maroodijeex, Awdal, Togdheer Sanaag iyo Sool.
Guddida doorashooyinka, ayaa markii tababarku u dhammaaday waxay dhaariyeen dufcadii koowaad ee hawlwadeenada ka shaqaynaya goobaha codbixinta doorashada.
Sidoo kale, gobolka Togdheer Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland waxay tababar u soo xidheen, isla markaana loo dhaariyey hawsha doorashooyinka dufcadii koowaad ee hawlwadeenada.
Sidaa si la mid ah, ayaa gobollada Awdal, Saaxil, Sanaag iyo weliba degmada Gar-adag, guddida doorashooyinka qaranku u soo xidheen tababarada, isla-markaana loo dhaariyey dufcadii koowaad ee hawlwadeenada ka shaqaynaya goobaha codbixinta doorashada ee gobolada dalka.
Masuuliyiinta Guddida Doorashooyinka, ayaa hawlwadeenada u jeediyay hadalo dardaaran ah, iyagoo ku adkeeyay masuuliyadda hawlsha loo igmaday ee ay qaranka uga masuulka yihiin iyo waajibaadka looga baahanyahay.
Doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyadda iyo Ururada, ayaa loo qorsheeyay 13 Novemeber 2024, iyadoo muddo sagaal maalmood ah inaga xigaan.