Maxay ka wadahadleen Ururka dowladaha hoose ee Somaliland iyo weftiga Netherland?

0
1424

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ururka dowladaha hoose ee Somaliland (ALGASL), ayaa la kulmay wefti ka socda Safaaradda Netherland ee Kenya iyo Wasaaradda arrimaha Dibedda ee Netherland.

Kulankan ururka dowladaha hoose ee Somaliland iyo weftiga ka socda Netherland, ayaa ka dhacay xarunta ururka dowladaha hoose ee magaalada Hargeysa.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Netherlands, oo maalgelisa mashruuca ay ka wada shaqeeyaan ALGASL iyo VNG International, kaasi oo lagu magacaabo barnaamijka (Danwadaag) maamulkiisana ay gacanta ku wada hayaan labadan urur ee dowladaha hoose ee Somaliland iyo Holand.

Kulan, ayaa waxaa ay dhinacyadu kaga wadahadleen muhiimadda adeeg bixinta, maamul daadejinta, horumarinta dhaqaalaha maxalliga ah, iyo kor u qaadista awoodda dawladaha hoose ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here