Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqal Insaanka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta kulan xog-warran ah la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ahna Xubin ka tirsan Guddida Caddaaladda, Cabdicasiis Xirsi Warsame.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, Jamaac Cali Adaana (Jaah), iyagoona ay ku wahelinayeen badiba xubnaha guddid.
Kulanka, ayaa ujeeddadiisu ahayd in xog rasmi ah laga helo aragtiyada iyo waayo-aragnimada xubintaasi ee la xidhiidha shaqada guddida iyo xaaladda guud ee nidaamka Guddida Cadaaladda.
Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ka tirsan Guddida Cadaaladda Qaranka, ayaa si mug leh uga warbixiyay waajibaadkiisa shaqo, doorka uu ku leeyahay horumarinta guddida Cadaaladda iyo caqabadaha ay la tacaalayaan ee kala duwan.
Waxaana uu Guddida la wadaagay aragtidiisa ku aaddan sida loo horumarin karo adeegyada Guddida Cadaaladda iyo muhiimadda wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee dowladeed.




















