Golaha Wasiirrada Somaliland oo loo gudbinayo xeerka saxaafadda

0
1824

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed Mareexaan, ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socda ururrada Saxaafada dalka.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo madaxda kale wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta iyo masuuliyiinta ururrada Saxaafadda, ayaa ka wadahadlay dhammaystirka xeerka Saxaafadda.

Waxayna labada dhinac ay soo gabeeyeen soo jeedinta, kaabista iyo wax ka bedelka xeerka Saxaafadda qaranka.

Ka dib kulamo soo socday mudo ka badan saddex bilood, ayaa kulankan ay labada dhinac yeesheen waxa lagu soo dhammaystiray wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Saxaafadda.

Xeerka, ayaa waxaa loo gudbinayaa golaha Wasiirrada Somaliland, iyadoona la marin doono hannaanka ay sharciyadu maraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here