Golaha Wasiirrada Somaliland oo ku baaqay diyaar-garowga doorashada iyo difaaca dalka

0
1956

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fadhigii 130aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo qabsoomay maanta kana soo hor maray wakhtigiisi oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu naaqishay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, Doorashooyinka, Difaaca Qaranka, Caafimaadka, Diyaar garowga oddoroska miisaaniyadda 2025 iyo horumarinta Kalluumaysiga.

Ugu horrayn, Golaha Wasiirradu waxay war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeysteen wasiirka arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Sidoo kale, goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo golaha xog-warran ka siiyey arrimaha dhaqan dhaqaale iyo diyaar garowga odoroska miisaaniyadda 2025 ee dalka, Horumarinta Caafimaadka, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo ku dheeraaday xaaladda xannuunada kala duwan ee ay ka mid ka tahay xummadda (Dengue fever) oo dalka ka jirtay muddooyinkii u danbeeyey, Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Maxamuud Warsame Jaamac oo golaha la wadaagay qorshaha kobcinta horumarinta Kalluumaysiga dalka oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Somaliland iyo sidii suuqyo cusub loogu heli lahaa kalluunka dalka.

Dhinaca kale goluhu wuxuu caddeeyey in doorashada wakhtigeedii lagu qabanayo, dalkana si adag looga difaacayo kuwa isu soo bahaysatay  inay waxyeelleeyaan Qarannimada Somaliland ee u soo hanjabaya ee colaaddu u cusub tahay, shacbiga Somaliland-na waajib ayey ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca Qarankaba.

Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada waxa taariikhda markii u horaysay loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka Ciqaabta guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ee uu yeelan doono dalku oo ay golaha keenneen Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here