Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa saaka si rasmi ah u furmay Kal-fadhigii 11aad ee mudanayaasha aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, kadib muddo fasax ah oo ay ku maqnaayeen.
Kal-fadhiga, ayaa waxaa shir-gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
Intaasi kadibna Xildhibaanada Golaha, ayaa waxaa loo qaybiyay laguna ansixiyey ajandaha kal-fadhiga 11aad ee Golaha Wakiilladu uu ku shaqayn doono kal-fadhiga 11aad.
Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 42 xildhibaan, ayaa waxaa cod gacan taag ku ogolaaday in la ansixiyo Ajandaha 30-mudane, halka ay diideen 8 mudane, kana aamuseen 3 mudane, isaga oo aanu Gudoomiyuhuna codayn sida caadada ah.