Golaha Wakiillada oo sii wadaya dooda xeerka hawlgabka shaqaalaha dowladda

0
867

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaanadda golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod gacan taag ah ku ogolaaday in ay sii amboqaadaan dooda xeerka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda.

Fadhigii maanta ee golaha Wakiillada Somaliland oo uu shir Guddoominaayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaas Siciid Mire Faarax Giirre, ayaa  waxa uu mudaneyaasha golaha u soo jeediyay in xeerkaas la ansixiyo iyo in dooddiisa la sii wado, laguna wareejiyo guddi hoosaadka Guddida Shareecadda Islaamka ee golahaasi, si dib u eeggis ay ugu sameeyaan xeerka.

Xildhibaanadda golaha, ayaa waxay cod gacan taag ah ku oglaadeen in la sii ambo qaado doodda qabyo qoraalka xeerka howlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda, waxaana ogolaadey 22 Xildhibaan.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka guddida arrimaha bulshadda ee golaha Wakiillada Xildhibaan Axmed Khaliif Jaamac, ayaa mudanayaasha warbixin kooban ka siiyey ahmiyadda xeerkaas uu u leeyahay bulshadda, iyadoo mudanuhu ka codsadey in mudanayaashu ansixiyaan xeerkaas, maadaama guddi hoosaadka guddida arrimaha bulshadda ee golaha Wakiillada Somaliland hore wax ka baddel iyo kaabis ugu soo sameeyeen.

Dhinaca kalena, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa Mudanayaasha golahaas ku wargaliyey in ka shirguddoon ahaan ay u yeedhi doonaan Guddoomiyaha ha’yadda shaqaalaha dowladda, si uu Xildhibanadda golaha Wakiillada uu warbixin faahfahasan uga siiyo xeerkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here