Hargeysa(HargeisaPress)- Gudoomiyaha gudida arimaha gudaha golaha wakiilada
Somaliland Xildhibaan Xuseen Cabdilaahi Balaki, ayaa golaha wakiilada
ka hor akhriyay wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay xeerka
ismaamulka gobalada iyo degmooyinka ee dalka.
Waxaana waxyaabaha wax ka badalka lagu sameeyay ka mid ah in la
badalay magaca dawladaha hoose, in xubnaha golayaasha deegaanka oo
magaca laga badalay iyada oo kalena laga qaaday xasaanadii marka laga
reebo maayarka iyo ku xigeenkiisa.
Waxyaabaha xeerkan lagu kaabay waxa ka mid ah in golayasha deegaanka
marka uu wakhtigu ka dhamaado muddo kordhin loo waydiin karo golaha
guurtida ee dalka, waxaana xildhibaanku isaga oo golaha ka hor
akhriyaayay uu ku bilaabay sidan “ Kalmada dawlada hoose waxa lagu
badalay Degmooyinka, kalmada Caasimada Hargeysa waxa lagu badlay
Degmada Hargeysa waxaana loogu daray A+ oo ka danbaynaaya, tirada
xildhibaanada degmooyinka darajada A+ waxa uu hore u ahaa 25,
dagmooyinka darajada A waxay hore u ahaayeen 21, degmooyinka darajada
B waxay hore u ahaayeen 17, degmooyinka darajada C waxay hore u
ahaayeen 13, D waxa uu hore u ahaa 9, xubnaha golayaasha deegaanku
waxay ku salaysan yihiin degmooyinka oo kala ah degmada Hargeysa A+ 15
xubin gole deegaan,degmooyinka darajada A 11 xubin gole
deegaan,degmooyinka derajada B waxay noqonayaan 9 xubin gole deegaan,
degmooyinka darajada C waxay noqonayaan 7 xubnood, degmooyinka
darajada D 5 xubin gole deegaan, waxaanay degmooyinka D ay yeelanayaan
gole deegaan marka golayaashu ansixiyaan. “
Waxa uu ka hadlay in xeerkani uu xubnaha golaha deegaanka ka
qaadayo xasaanada “ Duqa degmada iyo ku xigeenka oo kaliya ayaa
xasaanad leh inta ay xilka hayaan, xubnaha kale ee golayaasha
deegaanku wax xasaanad ah ma yeelanayaan waxaana loogu yeedhayaa xubno
gole deegaan mana banaana in loogu yeedho xildhibaano .”
Ugu danbayntiina waxa uu sheegay in ay xeerka ku soo kordhiyeen in
mudo kordhin loo samayn karo golayaasha deegaanka ee dalka“ kala
dirista golaha qodobka 33-aad oo hore u ahaa qodobka 29-aad waxa lagu
soo daray farqad cusub oo noqonaysa sidan, haddii doorashada golaha
deegaanku ay ku qabsoomi waydo xiligeedii golahii hore ayaa xilka sii
haynaaya inta laga soo dooranaayo gole cusub waxaana qiimaynaaya oo
go’aan ka gaadhaya golaha guurtida kadib marka golaha xukuumadu ay
sidaas u soo jeediso, xeerkii hore ee 2000 la sameeyay ma sheegayn
haddii golayaasha deegaanku xilku ka dhamaado sifo loo raacayo,
dastuurkuna xeer ayaa qeexaya ayuu leeyahay xeerkii maadaama oo uu
qodobkaasi ka maqan yahay waxa aanu soo jeedinay oo ku soo darnay,
haddii doorashada golaha deegaanku ay ku qabsoomi waydo xiligeedii
golahii hore ayaa xilka sii haynaaya inta laga soo dooranaayo gole
cusub waxaana qiimaynaaya go’aana ka gaadhaya golaha guurtida kadib
marka uu madaxweynuu soo jeediyo.”
Golaha wakiilada Somaliland ayaa ka doodi doona waxkabadalka iyo
kaabista xeerkan degmooyinka dalka lagu sameeyay.
Geeska